𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐗𝐄𝐄𝐑𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhiga shanaad.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga Sanatar Cisman Maxamuud Maxamed (Dufle) ayay xubnaha guddigu, waxa ay akhrin iyo dulmar guud ku sameeyeen Hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya sharciyqaanada Golaha.