Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka,Haweenka iyo Caruurta

Waajibaadka Guddiga waxaa kamid ah:

1. Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo

2. Hubinta madaxbannanida Garsoorka,

3. Ka baaraandegista Shuruucda la xiriirta hayadaha Garsoorka & Garsoorayaasha

4. La socodka cabashooyinka bulshada ee la xiriira Arrimaha Garsoorka iyo Gardoonka.

5. La socodka Howlaha Shaqo ee Guddiga Adeegga Garsoorka.

6. La socdka Arrimaha Xabsiyada iyo Maamulkooda.

7. Xafiiska Gardoonka sida ku xusan Dastuurka ku meel gaarka ah iyo Xeerka Federaalka.

8. Xaqiiqa raadinta ku saabsan xadgudbyada ka dhanka ah Xuquuqda Bani’aadamka.

9. Ka tala bixinta Arrimaha Caddaalada xilliga kala guurka ah. (Transitional Justice) iyo tacaddiyaada la geystay iska raaligelintooda.

10. Xuquuqul Insaanka.

11. Dadka naafada/curyaanka ah.

12. Ilaalinta xuquuqda dhalaanka.

13. Ilaalinta xuquuqda dadka waayeelka ah.

14. Arrimaha jinsiga (lab/dheddig).

15. Dadka gudaha ku barakacay.

16. Ka talabixinta iyo u kuur-gelidda arrimaha la xariira Barashada & faafinta diinta Islaamka.

17. Ka tala-bixinta hawlaha la xiriira Maamulka Masaajidda, Xajka & Cimarada iyo hawlaha kheyriga ah.

18. Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Golaha Aqalka Sare

19. Xiriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

 

Download Resources

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024