Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatarrada Aqalka Sare ee BJFS

Arrimaha hoos imaanaya Guddigan waxaa ka mid ah:

b) Inay uyeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo

t) Guddigan waa in uu yeeshaa la-taliyeyaal Sharci

j) Lixdan (60) cisho gudahood xilliga la dhiso Guddigaan ka dib ee lagu jiro kal-fadhiga kowaad, waqti waa in loo qoondeeyo tixgalinta Xeer-hoosaadka sida uu Guddigan soo jeediyo.

x) Soddon (30) cisho gudahood ee bilawga Kal-fadhi kasta ee Golaha Aqalka Sare, Guddigan wuxuu ka dooddayaa Hindisaha wax ka bedel ee Xeerka wuxuuna u gudbinayaa talo soo jeedintiisa Aqalka Sare si loo ansaxiyo.

Kh) Guddigan wuxuu tixgalinayaa arrimaha la xariira Xasaanadda xubnaha wixii talo soo jeedin ahna u gudbiyaa Golaha.

d) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira luminta xubinnimada ee Aqalka Sare sida ku cad qodobka 59aad ee Dastuurka ku meel gaarka.

r) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marin ee laga qaadayo xubin ka tirsan Aqalka Sare sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xadgudubka Xeer-hoosaadka Golaha.

s) Guddigan wuxuu soo jeediyaa tallaabooyinka maamul ee lagu xoojinayo hab-dhaqanka iyo anshaxa xubnaha.

Sh) Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah usoo gudbiyaan Golaha Aqalka Sare

Dh) Xirriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kalabdhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Dukumintiyada Guddiga

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024