Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa layeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida

Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa layeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka .Kulanka ayaa kusabsanaa Hindise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulan la-tashiga ee Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ay la qaateen Taliyayeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa looga hadlayay Hinse-sharciyeedka Howlgabnimada ,Xaqsiinta iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida ayada oo uu kulanka furay gudoomiyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan waxana uu akhriyay Hindise-sharciyeedka isagoo intaa raaciyay in ay muhiin tahay fikirka ciidamada qalabka oo sharcigan lagu dhaqi doono .

Senatar Axmad Xaashi Maxamuud Xoghayaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS iyo Senatar Cabdirisaaq Axmed Cali oo Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare katirsan ayaa qodobada qaar sharaxaad ka bixiyay.

General Jaamac Maxamed Qaalib oo horay Dalka uga soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ka midtahay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Bayloot oo ah khabiir dhinaca ciidamada ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka iyo qaabka ugu haboon ee ciidamada qalabka sida sharcigan loogu samayn lahaa .

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Doowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Gudiga Difaaca Iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka sida ay kulanka wada tashiga ah ay ula yeesheen ciidamada iyagoo isku raacay in wakhti la siiyo si ay uga soo eegan oo ay talo ugu soo biiriyan.