Warbixita Golaha ee Kalfadhiga 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka 11aad

Kulanka La-tashi Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir ee Hindise- sharciyeedka Sharciga Wax-ka badelka Xeerka Warbaahinta

Guddiga Hormarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Bini’aadanimada, Warfaafinta Iyo Dhaqanka ee Aqalak Sare ayaa la yeeshay Kulan La-tashi ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabooway waxaana uu socday Labo maalmood. Shirkaan ayaa ku saabsan Hindise- sharciyeedka Sharciga Wax-ka badelka Xeerka Warbaahinta.

Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa layeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka .Kulanka ayaa kusabsanaa Hindise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulan la-tashiga ee Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ay la qaateen Taliyayeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa looga hadlayay Hinse-sharciyeedka Howlgabnimada ,Xaqsiinta iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida ayada oo uu kulanka furay gudoomiyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan waxana uu akhriyay Hindise-sharciyeedka isagoo intaa raaciyay in ay muhiin tahay fikirka ciidamada qalabka oo sharcigan lagu dhaqi doono .

Senatar Axmad Xaashi Maxamuud Xoghayaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS iyo Senatar Cabdirisaaq Axmed Cali oo Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare katirsan ayaa qodobada qaar sharaxaad ka bixiyay.

General Jaamac Maxamed Qaalib oo horay Dalka uga soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ka midtahay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Bayloot oo ah khabiir dhinaca ciidamada ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka iyo qaabka ugu haboon ee ciidamada qalabka sida sharcigan loogu samayn lahaa .

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Doowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Gudiga Difaaca Iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka sida ay kulanka wada tashiga ah ay ula yeesheen ciidamada iyagoo isku raacay in wakhti la siiyo si ay uga soo eegan oo ay talo ugu soo biiriyan.

 

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ka koooban Labada Gole ee Baarlamanaaka Federaalka Soomaaliyaa ayaa ka qeeyb galay Shirka la dagaalanka Musuqa.Shirkaan waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Muqdisho :- 03.12.2019

Golaha Aqalka Sare aya ansixiyay Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 20 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada
oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa  Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka
Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta
3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo
Qandaraasyada Qaranka.Waxaa Ogaalada 30 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.

 

 

Muqdisho :- 30.11.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta
iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhagdheer” ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka shirkadaha.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.Waxaa Ogaalada 27 Waxaa ka aamusay 1 senatar ,mana jiro wax diiday.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya  ayaa yeeshay kulanka 3aad ee kalfadhiga 6aad kaa oo ahaa wadajirka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.Waxuuna ka dhacay Villa Hargeysa (Xarunta Golaha Shacabka)  ,ayadoo ajandaha kulanka uu ahaa:
Meelmarinta Habraac Ansixinta Dib u Eegista Dastuurka.
Waxaana lagadhageeystay  Guddiga Dastuurka akhrinta Qaraarka Habraaca Ansix Habraaca Wax-Ka-Bedelka Dastuurka Ku meel Gaarka ah.

 

 

Kulankii Wadajirka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Akhrinta 1aad e Miisaaniyadda 2020ka ee dalka

 

Muqdisho:- 04.11.2019

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta

2.Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

The Federal Parliament of Somalia (The Upper House and The House of the People) will reconvene on October 9, 2019 after a break of two months in which they had time to spend in their constituencies, with their families or on holiday. It will restart in a joint session planned to be held in Mogadishu and will be attended by Senators, MPs and other dignitaries.

This session will last in the coming fourth months till January 9, 2020. As the Parliament is a custodian of democracy and human rights it will fulfill all of its constitutional mandates of Legislation, Representation and Oversight.

In this coming session the Parliament will address and debate a record of important bills that are very vital to state building and governance.

The following are the Bills that are under the considerations of Upper House of Somali Federal Parliament in this session:

  • Petroleum bill
  • Amendment of Auditor General Law
  • Public financial management bill
  • Company law
  • Draft bill on National Health Professions Council

On the other hand, the following bills are still under the consideration of the House of the People of Somali Federal Parliament.:

  • Electoral Law
  • Review of Political Parties Law
  • Revenue Management Bill

 

 

The Standing Committee of the two Houses of the Federal Parliament of Somalia tonight  had honor dinner together. The aim was to strengthen co-operation between the two Houses of the Federal Parliament of Somalia.

 

The Deputy chair of the Committee on Planning, Investment and Foreign Affairs of the Somali Federal Parliament senator Pro.Mohamed Farah Osman “Dhagajuun” ,together with senators from the committee had meeting with the Somali minister of Planning  MR. Jamal Mohamed Hassan and members of the ministry.

 

 

 

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!