Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,ajendaha Kulanka

Muqdisho :- 30.11.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta
iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhagdheer” ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka shirkadaha.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.Waxaa Ogaalada 27 Waxaa ka aamusay 1 senatar ,mana jiro wax diiday.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

Muqdisho:- 04.11.2019

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta

2.Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!