GUDDOONKA LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA AYAA GO’AAMIYEY WAKHTIGA UU FURMAAYO KAL-FADHIGA 5AAD EE BAARAMAANKA 11AAD .

(more…)

kulanka 3aad ee Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo soo saaray baaq

Fadlan guji halkaan Lifaaqa Baaqa:Baaq Guddi Joogto.

Guddomiaha Golaha Aqalka Sare -BFS Mdne Abdi Xaashi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud dalka.

Lifaaqa go’anka Guddoomiyaha: Faafin degdeg ah Aqalka Sare

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug taariikh 11-12 July 2020:

Kulankii 30aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu
Ajandahu ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada.
Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa guda galay dooda kuaadan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada

 

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Kulankii 29aad ee Kalfadhiga 6aad ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayada oo uu shir Guddominaayo Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa soo xadiray Guddomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxmed Axmad iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka:
1. Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

  

 

Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS. Ajandaha kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda kuaadan Akhrinta ku aadan Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare.

 

 

 

Kulankii 23aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yeeshay . ayada oo Ajandahu  kulanka ahaay akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka wax Ka Badalka Xeerka Saxaafada.

Kulanka waxaa shir Guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiir-ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaarada Warfaafinta.

Xog-hayaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare Sentar Zamzam Dahir Maxamuud ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka wax Ka Badalka Xeerka Saxaafada.

Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka hadlay dood ku saabsan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka wax Ka Badalka Xeerka.

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 9aad ee Kalfadhiga 6aad ayadoo Ajanadaha Kulanka uu ahaa:
Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud.
 
Hindise-Sharciyeedkaan waxaa akhrinta 1aad marsiiyay …./Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim. Waxaa sidoo kale Goob joog ahaa…. /Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).
 
Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa ku wareejiyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud, Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajib kooda uga aadan Hindise- sharciyeedkan.

ok