Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka(OC) iyo Guddiga Madaxa-bannan ee Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC).

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa:
Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka(OC) iyo Guddiga Madaxa-bannan ee Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC).
Guddiyada Dastuurka oo kala ahaa Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (OC) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka
(ICRIC) ayaa waxaa laga dhageytay Warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka ,waxeyna ka codsadeen Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee BFS in si wadajir ah loo ansixiyo;
1.Habraaca Ansixinta Dastuurka iyo
2.Xeerka Dib-u-dhigista Dastuurka ee Baarlamaanka 11aad.
Ugu dambeyntii, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa oggolaaday soojeedinta Guddiyada Dastuurka si labada Gole ee BFS ay go’aan uga gaaraan soojeedinta Guddiyada Dastuurka.

Muqdisho:- 26,Sabtembar 2020:

Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayey ku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka 2020/2021-da, kaas oo hadda noqonaya sharci hab-raac u noqonaya doorashada heer Federaal ee soo socota.

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo shir gudoominayey fadhigan wada-jirka ah ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaanada, isagoo xusay in 252-mudane ay ogolaadeen, 2-mudane ay diideen, hal mudane oo kali ahna uu ka aamusay.

Baarlamaanka ayaa qodobada heshiiska raaciyey lifaaq ku aadan in la bayaaniyo qodobada qaarkood, lana raaciyo xeer nidaamiyeyaal fududeeya dhaqangalinta heshiiskan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xildhibaanada labada aqal uga mahadceliyey sida ay dalka ugu jideeyeen habraac doorasho oo sharci ah, uguna raaceen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada qodobadii ay ku heshiiyeen.

Heshiiskan siyaasadeed ayaa waxaa 17-dii bishan gaaray madxda dawladda FS, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ka dib wada-xaajood in muddo ah u socday.

Qorshaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabaneysa 01-November 2020 sida ku cad qodob kamid ah heshiiskaan ay maanta ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Guddomiyaha Aqalka Sare -BFS ayaa shir guddomiyaha kulanka 5 aad ee kalfadhiga 7aad ,
Ajendaha:Dhageysiga Warbixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-Meel Garka ee Guddiga Dib-u-eegista & La Socodka Hirgelinta Dastuurka.

kulanka 3aad ee Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo soo saaray baaq

Fadlan guji halkaan Lifaaqa Baaqa:Baaq Guddi Joogto.

Guddomiaha Golaha Aqalka Sare -BFS Mdne Abdi Xaashi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud dalka.

Lifaaqa go’anka Guddoomiyaha: Faafin degdeg ah Aqalka Sare

Gudoomiyaha Golaha Aalka Sare BFS Senator Abdi xaashi Abdullahi,Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad iyo Senataro ayaa ka soolaabtay Magaalada

#Garoowe oo ay uga qeyb galeen aaskii qaran ee loo Sameeyay Ra’iisul wasaarahii Hore ee Soomaaliya mdne.Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweyne K/X Hore ee Dowlad Goboledka Puntland Maxamed Abdi Xaashi.

   

Wafdi heer Sare ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudne Cabdi Xaashi Cabdullaahi hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland; si ay uga qeyb galaan Aaska Alaha u naxariistee Madaxwaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Abshir Faarax oo lagu aasi doonno magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Oday dhaqameedyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si diiran u soo dhoweeyey Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

       

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug taariikh 11-12 July 2020:

Go’aanka Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Ku Aaddan Been-abuurka Lagu Sameeyay Xeerarkii ay Guddiga Wada-jirka ah ee BFS u soo gudbiyeen Guddoonka Labada Aqal ee BFS kuna -saabsanaa “Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal” ;

Fadlan halkaan hoose ka akhriso lifaaqyada Go’aanka Guddomiyaha Aqalka Sare-BFS :
Lifaaqyo Go’aanka Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Ku Aaddan Been-abuurka Lagu Sameeyay Xeerarkii ay Guddiga Wada-jirka ah ee BFS

omidda Shirka looga arrinsanayo hanaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hanaan raalli la isaga yahay oo dooroshoashada lagu galo:

Fadlan halkaan hoose ka akhriso lifaaqa Go’aan maamul:

    iyo qabso