Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Ayaa Gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi heer Sare ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudne Cabdi Xaashi Cabdullaahi hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland; si ay uga qeyb galaan Aaska Alaha u naxariistee Madaxwaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Abshir Faarax oo lagu aasi doonno magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Oday dhaqameedyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si diiran u soo dhoweeyey Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.