Sharci Lr. 51

Aqalka Sare iyo Dastuurka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026

Markii Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii Dastuurka KMG ahaa, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu 4-tii Maarso 2026 ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo noqday saldhigga cusub ee nidaamka dowladnimo iyo hay'adaha dastuuriga ah ee dalka.

4 Maarso 2026 Baarlamaanku ansixiyey Dastuurka
8 Maarso 2026 Madaxwaynaha Saxiixay Dastuurka
16 Maarso 2026 Lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah
Golaha Aqalka Sare Soomaaliya
Xafiiska Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Qod. 93aad

Qaab-dhismeedka Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare waa qaybta labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xubnihiisu yihiin Senatarro matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Aqalka Sare wuxuu leeyahay matalaad ka tarjumaysa nidaamka federaalka, iyadoo xubnuhu ay Golaha dhexdiisa ku metelaan deegaanada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ay ka yimaadeen. Sidaas awgeed, Aqalku wuxuu noqonayaa madal qaran oo isku keenta aragtida Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo danta guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod. 93aad iyo 94aad ee Dastuurka Dalka.

Xubinta Aqalka Sare marka ay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah waa inay mudnaanta siisaa danta qaranka, ilaalinta Dastuurka iyo sharciga, xoojinta nidaamka federaalka iyo horumarinta wada-shaqaynta hay'adaha dowladda si waafaqsan Qod. 93aad ee Dastuurka Dalka.

Ansixinta Xeerka Aqalka Sare
Ansixinta Xeerhoosaad kii ugu horeeyey ee Golaha Aqalka Sare
Qod. 93aad & 94aad

Kaalinta Dastuuriga ah ee Golaha Aqalka Sare

Si waafaqsan Qod. 93aad iyo 94aad ee Dastuurka Dalka, Aqalka Sare wuxuu leeyahay kaalin muhiim u ah habsami-u-socodka nidaamka federaalka iyo sharci-dejinta qaranka. Kaalintiisa waxaa saldhig u ah mabda'a ah in Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay si toos ah uga qaybqaataan go'aan-qaadashada heerka federaalka iyo ilaalinta nidaamka Federaalka ah ee Dalku qaatay.

Dastuurka cusub wuxuu Golaha Aqalka Sare siinayaa meel muhiim ah oo ka mid ah qaab-dhismeedka hay'adaha dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Aqalka Sare wuxuu qayb ka yahay nidaamka Baarlamaanka Federaalka ee ku dhisan laba Aqal, iyadoo waajibaadkiisa gaarka ahi yahay matalaadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo ilaalinta dheellitirka nidaamka federaalka si waafaqsan Qod. 93aad ee Dastuurka Dalka.

7 Awoodood

Awoodaha Dastuuriga ah ee Golaha Aqalka Sare

Sida ku cad Qod. 93aad iyo 94aad ee Dastuurka Dalka

1

Matalaadda Dowladaha Xubnaha ka Ah Dowladda Federaalka

Aqalka Sare wuxuu matalaa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna noqdaa madasha ay danahooda, aragtidooda iyo arrimaha khuseeya xiriirka federaalka uga qaybqaataan go'aan-qaadashada qaranka.

2

Ka Qaybqaadashada Sharci-dejinta

Aqalka Sare wuxuu qayb ka yahay awoodda sharci-dejinta ee Baarlamaanka Federaalka. Wuxuu ka qaybqaataa ka doodista, dib-u-eegista, ansixinta iyo go'aaminta hindise-sharciyeedyada.

3

Ilaalinta Nidaamka Federaalka

Aqalku wuxuu leeyahay masuuliyad gaar ah oo ku saabsan ilaalinta iyo xoojinta nidaamka federaalka, hubinta in xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ku dhisnaado Dastuurka.

4

Ka Qaybqaadashada Arrimaha Dastuurka

Aqalka Sare wuxuu leeyahay kaalin muhiim ah oo ku saabsan arrimaha Dastuurka, gaar ahaan kuwa u baahan ka qaybgalka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

5

Kormeerka iyo Isla-xisaabtanka

Aqalku wuxuu qayb ka yahay nidaamka Baarlamaanka ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay'adaha dowladda, iyadoo loo marayo kulamada Golaha, guddiyada joogtada ah, iyo su'aalaha.

6

Ka Qaybqaadashada Go'aannada Qaranka

Dastuurku wuxuu Aqalka Sare ka qayb gelinayaa go'aannada muhiimka ah ee heer qaran ee u baahan ka qaybgalka Baarlamaanka Federaalka ama labada Aqal.

Dastuurka 2026

Dastuurka Rasmiga ah

Kala Daga Halkan PDF

Matalaadda Dawlad Gobaleedyada ee Aqalka Sare

Somaliland Flag
54

Gobolada Waqooyi (Somaliland)

Puntland Flag
54

Puntland

Galmudug Flag
54

Galmudug

Jubaland Flag
54

Jubaland

Koonfur Galbeed Flag
54

Koonfur Galbeed

Hirshabelle Flag
54

Hirshabelle

Aqalka Sare iyo Danta Qaranka

Inkastoo Senatarradu ay matalaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waajibaadkoodu kuma koobna oo keliya matalaadda danaha deegaanada ay ka yimaadeen. Xubinta Aqalka Sare waxay leedahay masuuliyad qaran oo ku waajibinaysa inay isku dheellitirto danaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo danta guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, Aqalka Sare wuxuu isku xiraa laba muhiimadood oo waaweyn: matalaadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo ilaalinta danta qaranka, taas oo ka dhigaysa hay'ad muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.