Warbixinta rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee sannadka 2018, oo ay ku qoran yihiin hawlaha sharci-dejinta, kormeerka, iyo waxqabadka Golaha ee sanadkaas.
Warbixinnada Golaha Guud
Aqalka Sare
Warbixinnada fadhiga guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka tarjumaya hawlaha, waxqabadka iyo horumarka shaqo ee Golaha.
Halkan waxaan kusoo gudbinaynaa warbixinnada fadhiga guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka tarjumaya hawlaha, waxqabadka iyo horumarka shaqo ee Golaha. Warbixinnadu waxay xambaarsan yihiin xog iyo faahfaahin ku saabsan shaqada sharci-dejinta, kormeerka, kulamada, hawlaha Guddiyada iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare.
Waxaan halkan sidoo kale ku kaydinaynaa warbixinnada iyo qoraallada guud ee Golaha, si ay u noqdaan kayd rasmi ah oo laga heli karo xogta ku saabsan shaqada iyo waxqabadka Aqalka Sare, loona xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo fahamka bulshada.