GUDDONKA AQALKA

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay Guddoomiyaha Golaha iyo laba Guddoomiye Ku-xigeen, kuwaas oo si wadajir ah u hoggaamiya hawlaha Golaha, una xil-saaran hagidda fadhiyada iyo isku-dubbaridka shaqada Golaha.

Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golaha Aqalka Sare waxaa la doortay 22-kii Janaayo 2017, waxaana xilkaas loo doortay Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kadib dhismaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad, 26-kii Abriil 2022, ayaa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Golaha.

Guddoonka Golaha ee hadda jira wuxuu ka kooban yahay Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi – Guddoomiyaha Golaha, Sen. Cali Shacbaan Ibraahim – Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xersi – Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad.

Guddoonku wuxuu door muhiim ah ka qaataa hoggaaminta iyo habsami-u-socodka shaqada Golaha, gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, iyo matalaadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha

Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare
Guddoomiye
Sen. Cali Shacbaan Ibraahim
Sen. Cali Shacbaan Ibraahim
1st Ku-xigeen Guddoomiye
Ku-xigeen
Sen. Cabdullaahi Cali Xersi
Sen. Cabdullaahi Cali Xersi
2nd Ku-xigeen Guddoomiye
Ku-xigeen

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.