Golaha Aqalka Sare

Oraahda Xoghayaha Guud

Ku soo dhowow bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare waa mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la aasaasay dabayaaqadii sanadkii 2016, iyadoo uu yahay gole muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata matalaadda Dowlad-goboleedyada, ilaalinta nidaamka federaalka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta dalka si waafaqsan qodobbada 93aad iyo 94aad ee Dastuurka Dalka.

Xafiiska Xoghaynta Guud waxaa ka go'an in uu si hufan oo xirfadeysan u taageero shaqada Golaha iyo Senatarada, isla markaana fududeeyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah. Waxaannu xoogga saari doonnaa tayeynta adeegyada Golaha, horumarinta habraacyada shaqo iyo adeegsiga tiknoolajiyadda si loo helo adeeg baarlamaan oo casri ah, hufan oo la jaanqaadaya baahiyaha dalka.

Boggan rasmiga ah waxa kale oo uu shacabka u yahay marin ay kaga heli karaan xogta, wararka, howlaha iyo waxqabadka Golaha Aqalka Sare. Sidoo kale, madasha Ka-qaybgalka Muwaadiniinta waxay fursad u siinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si dhow ula falgalaan Golaha iyo Senatarada, ayna ka qayb qaataan arrimaha khuseeya dowladnimada iyo horumarka dalka.

Golaha Aqalka Sare wuxuu ku shaqayaa si xushmad, hufnaan, isla-xisaabtan iyo xilkasnimo leh, isagoo mar walba ilaalinaya kalsoonida iyo masuuliyadda ay shacabka Soomaaliyeed u igmadeen. Waxaan aaminsanahay in Baarlamaanku yahay hay'ad u adeegta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana uu leeyahay door muhiim ah oo ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda, sharciga iyo horumarka dalka.

Waxaan ku dadaali doonnaa in Golaha Aqalka Sare uu noqdo gole wax-ku-ool ah, casri ah, daahfuran oo ku suntan tayo iyo adeeg hufan, si uu si buuxda uga soo dhalaalo waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo masuuliyadda qaran ee saaran.

Mahadsanidiin.

Cabdinaasir Guulleed
Cabdinaasir Guulleed
Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.