Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka(OC) iyo Guddiga Madaxa-bannan ee Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC).

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa:
Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka(OC) iyo Guddiga Madaxa-bannan ee Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC).
Guddiyada Dastuurka oo kala ahaa Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (OC) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka
(ICRIC) ayaa waxaa laga dhageytay Warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka ,waxeyna ka codsadeen Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee BFS in si wadajir ah loo ansixiyo;
1.Habraaca Ansixinta Dastuurka iyo
2.Xeerka Dib-u-dhigista Dastuurka ee Baarlamaanka 11aad.
Ugu dambeyntii, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa oggolaaday soojeedinta Guddiyada Dastuurka si labada Gole ee BFS ay go’aan uga gaaraan soojeedinta Guddiyada Dastuurka.