Kulanka 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Ajendaha; Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal

Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare.

 

 

 

Previous Akhrinta 2aad iyo 3aad ee Hinidse-sharciyeedka Batroolka

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.