Kulanka 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Ajendaha; Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal

Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare.