Warbixita Golaha ee Kalfadhiga 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka 11aad

Waxaa soo idlaaday Madasha Aqoon-Isweeydaarsiga Xoghayaasha Guud ee Baarlamaannada Doowladaha Xubnaha ka ah Doowlada Federaalka iyo Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya Aqoon-isweedaarsigan ayaa ayadoo u socday 2 maalinta.
Shirkan ayaa lagu qabtay Xarunta Golaha Aqalka Sare.
Gababagabada Kulanka ayaa laga soo saaray war-murtiyeedkan:
Fadlan Guji Mereegta :Warmurtiyeed
Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa kulan laqaatay Madaxweeynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam oo Booqasho rasmi ah ku yimid Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kahor jeediyay warbixin  Guddiga joogatada Aqalka Sare asaga oo ku soo dhaweeyay Madaxeeynaha DG Jubbaland oo ay la socdaan Wafdi ay kamid yihiin xubno Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo sidoo kale Warbixin kahor jeediyay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi,Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa soo dhaweeyay  Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo Booqasho rasmi ah ku yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS ,waxaana uu Guddomiyaha ka jeediyay Golaha Warbixin .

Madaxeeyne Saciid Cabdullahi Dani oo ay la socdaan Wafdi ay kamid yihiin Xubno Baarlamaanka DG Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare asagoo warbixin ka jeediyay Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka ambabaxay Garoonka Caalimaga Adan Cabdule Cusmaan saakey ,ayagoo gaaray magaalada Dhuusamareeb  ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug .

Wafdiga ayaa si heer sare loogu soo dhaweeyay halkaas,waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyay  Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ,xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug wasiiro,mas’uuliyiinta Galmudug iyo qaybaha bulshada caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa loo soo Galbiyey Xarunta Madaxtooyada Galmudug Halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

U jeedada socdaalka Guddoomiyaha ee dhinaca Galmudug ayaa lala xiriiriyay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug.

 

 

 

 

 

 

 

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa shalay gaaray Degmooyinka Garbahaarrey iyo Baladxaawo, iyadoo ujeedka uu ahaa  dhagax dhigga mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo waxbarashado.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFSoo ay wehliyeen wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda ayaa dhagax dhigay dhismayaasha Dugsiyo Sare oo Dowladda Soomaaliya ay ka hirgelinayso Magaalooyinkaasi.

“Meeshaan waxaan u nimid in aan idinla wadaagno dhagax dhigga dugsiga Sare ee Garbahaaray oo burbur uu ka muuqdo, oo ay dowladdu garatay,iyadoo ay wakiil uga yihiin qeybaha fulinta gaar ahaan wasaaradda Waxbarashada oo ay nagala joogan wasiirkii wasiiru Dowlihii,waxaan u mahadcelinayaa wafdiga ballaaran ee ka yimid xamar ahmiyadda ay leedahay dhagax dhigga iskuulkan,oo ka duwan meelihii aan soo maraynay,dowladuu waxaa ay xaqab tiri doontaa waxbarashda dhexe ardayda ka baxda in aysan meelo kale aadin,waxaana rajeynaynaa anigoo wafdiga ka wakiil ah in mas’uuliyiinta u xil saaran ay howshan dhaqsi ku fuliyaan”, ayuu yiri guddoomiye Mowliid Xuseen Guhaad.

Wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo waxaa ay la kulmeen Ardayda iyo qeybaha bulshada, iyadoo si ballaaran loo soo dhaweeyay.

Guddoomiye Mowliid ayaa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga haqab tiri lahayd baahiyaha dhanka adeegyada muhiimka u ah.

 

Isniin May ,25 2020

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulankii 2aad ee wada-jirka ah ee Guddiyada Joogtada ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeeshay Hoolka Golaha Shacabka- Villa Hargeysa , ayada oo uu Ajendahuhu ahaa:
1) Ka-tashiga Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya(Labada Aqal).
2) Ka-tashiga Hor-imaanshaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Labada Aqal ee BFS 27 May 2020.

Inta kadib waxa la guda galay in laga doodo 2da qodob e ajandaha, dood dher kadib guddiga jogtada ee Labada Aqal waxaa ay go’an ku garen:

1) In Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka la furo 6 da Juun 2020.
2) In Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka hor-timaaddo Baarlamaanka 27 Juun 2020.

Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib-uheshiisiinta iyo Xirrirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka ayaa baaq-nabadeed ee ku aadan dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ee Soomaaliyeed ee ku diriray Galbeedka Magaalada Kismaayo ku dhawaad muddo ka badan saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Fadlan halkaan Guji si aad u akhriso faahfahinta  : Baaq Nabadeed

Golaha aqalka sare ayaa tacsi u diray mudana nuur Cadde (halkaan Riix)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa Goalaha Aqalka Sare Akrinta 3aad ka hor akhriayay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kamahad celiyey ansixinta sharcigaan.

Waxaa Codeeyey 28 senatar, Cid ka a’amustay ama diiday majirin.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 38aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
 
1. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta aad ee Hindise-sharciyeedkaan.
 
Intaa kadib ayaa laguda galay Su’alo weeydiinta Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ee Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Sdioo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare .waxaa haatan socdo jawaabaha Su’aalaha la weeydiiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee ku adaan Hindise- Sharciyeedkan Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Intaa kadib ayaa loo balamay in lasoo laabto mudo kooban kadib si loo guda galo akhrinta 3aad Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 36aad iyo 37aad ee Kalfadhiga 6aad ayadoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay kaalinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Sentar Mowliid Xuseen Guhaad . Ajendaha ayaa ahaa: Akhrinta 2aad iyo 3aad ee Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Salaad Oomar iyo Masuuliyiin la socday.

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Ugu dambeyntii, Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Rayidka. waxaana Ogolaatay 29 Senator mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Kulankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad ayada uu shir Guddominayo Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.
2)Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Waxaa Ogaalada 25 Senatar,Waxaa diiday 4 Senatar, Wax ka aamusay majirin

 

 

 

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu
Ajandaha Kulanka uu ahaa:

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegista Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Waxaa Ogaalada 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.

  

 

Maanta oo ARBACO ah Janaayo 29, 2020 Ayeey Xubnaha Golaha Aqalka Sare iskugu yimid kulankooda 33aad ee kalfadhiga 6aad.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa

Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.
Koram kulanka ayaa ahaa 30 senator waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sebatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa laguda galay Ajendaha 2aad ayada oo uu Guddoomiyaha Guddiga KMG ee kabaaraandeggidda Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal ee Golaha Aqalka Sare-BFS ayaa ka hor akhriyay warbixinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, intaa kadib Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa ka dooday qodobadda qaar ee Hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeyntii Xubnaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa u balama in lasii wado Akhrinta doodda akhrinta 2aad.

.