Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo mashaariic horumarineed ka Dhagax dhigay Gedo

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa shalay gaaray Degmooyinka Garbahaarrey iyo Baladxaawo, iyadoo ujeedka uu ahaa  dhagax dhigga mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo waxbarashado.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFSoo ay wehliyeen wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda ayaa dhagax dhigay dhismayaasha Dugsiyo Sare oo Dowladda Soomaaliya ay ka hirgelinayso Magaalooyinkaasi.

“Meeshaan waxaan u nimid in aan idinla wadaagno dhagax dhigga dugsiga Sare ee Garbahaaray oo burbur uu ka muuqdo, oo ay dowladdu garatay,iyadoo ay wakiil uga yihiin qeybaha fulinta gaar ahaan wasaaradda Waxbarashada oo ay nagala joogan wasiirkii wasiiru Dowlihii,waxaan u mahadcelinayaa wafdiga ballaaran ee ka yimid xamar ahmiyadda ay leedahay dhagax dhigga iskuulkan,oo ka duwan meelihii aan soo maraynay,dowladuu waxaa ay xaqab tiri doontaa waxbarashda dhexe ardayda ka baxda in aysan meelo kale aadin,waxaana rajeynaynaa anigoo wafdiga ka wakiil ah in mas’uuliyiinta u xil saaran ay howshan dhaqsi ku fuliyaan”, ayuu yiri guddoomiye Mowliid Xuseen Guhaad.

Wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo waxaa ay la kulmeen Ardayda iyo qeybaha bulshada, iyadoo si ballaaran loo soo dhaweeyay.

Guddoomiye Mowliid ayaa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga haqab tiri lahayd baahiyaha dhanka adeegyada muhiimka u ah.