Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka ambabaxay Garoonka Caalimaga Adan Cabdule Cusmaan saakey ,ayagoo gaaray magaalada Dhuusamareeb  ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug .

Wafdiga ayaa si heer sare loogu soo dhaweeyay halkaas,waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyay  Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ,xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug wasiiro,mas’uuliyiinta Galmudug iyo qaybaha bulshada caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa loo soo Galbiyey Xarunta Madaxtooyada Galmudug Halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

U jeedada socdaalka Guddoomiyaha ee dhinaca Galmudug ayaa lala xiriiriyay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug.

 

 

 

 

 

 

 

Previous Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo mashaariic horumarineed ka Dhagax dhigay Gedo

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.