Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi,Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad ayaa soo dhaweeyay  Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo Booqasho rasmi ah ku yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS ,waxaana uu Guddomiyaha ka jeediyay Golaha Warbixin .

Madaxeeyne Saciid Cabdullahi Dani oo ay la socdaan Wafdi ay kamid yihiin Xubno Baarlamaanka DG Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare asagoo warbixin ka jeediyay Golaha Aqalka Sare.