Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS, Ajandaha;Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida

Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS. Ajandaha kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda kuaadan Akhrinta ku aadan Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.