Akhrinta 2aad iyo 3aad ee Hinidse-sharciyeedka Batroolka

Kulankii 24aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Ajandaha kulanka ayaa ah akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Batrooolka.Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Xubno kale ee Wasaarada ayaa ku wehliyay.

Guddomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaale iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa guda galay dooda ku a’adan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Intaa kadib ayaa laguda lagalay qaybta danbe ee fadhiga maanta ayada ay soo jeedin keneen Senatarado 20 xubnood ah.

Waxaa dib loogu soo laabtay fadhiga Golaha Kulankiisa 25aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS ayada oo soojedinta Senatarada ay soo gudbiyeen oo aheeyd in la ansixiyo Hinidse-sharciyeedka Batroolka sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka ee BFS in loo ansixiyo.Waxaa u codeeysay 28 Senatar. Waxaa Ogaaladay 24 Senatar. Waxaa Diiday 4 Senatar.Wax ka amuusayna majirin.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Batroolka ayaa la’ansixiyay kadib codeeynta soojedinta senatarada.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqa in uu Hindise-sharciyeedka Batroolka sidaa ansax ku yahay.