Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.
Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee uu Midowga Yurub siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas.
Danjiruha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo uu ugu horreeyo Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlan yahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliy.
Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Timacadde oo tilmamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shaqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud, ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada Golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada isku-xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda, ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray guddi walba.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallag Bin Saalim Alnuceymi
Guddoomiyaha iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha baniβaadannimada, iyo iyo dardar galinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale safiirku wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo korjoogtayn.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed geeridii xanuunka badnayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha wuxuu xusay in Marxuumaddu ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka (Falkaloorka) dadkeeda u soo adeegatey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado, door lama illaawaan ah ka soo qaadatay nabadda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.
Marxuumaddu waxay kaalin lama illaawaan ah ku lahayd in magaca iyo fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeedna laga daawado isla markaana laga xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba.
Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.
INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Guddiyada Maaliyadda labada Gole ee Baarlamaanka JFS, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay yeesheen ayaa ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS
Kulanka oo ay wadajir shir guddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibrahim Awgaab iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Xildh. Maxamed Farax Nuux, ayaa Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee la socday ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha wasaaradda gaar ahaan arrimaha mashaariicda caafimaafka, sida loo fuliyo, daah-furnaanta hannaannka loo maamulo iyo miro-dhalka mashaariicdaas.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Mudane Dr Cali Xaaji ayaa mid mid uga Jawaabay su’aalihii xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada aqal, iyadoo Wasiirka lagu booriyay in uu dardar gelinto mashaariicda caafimaadka, si daahfurna oo loo siman yahayna loo maamulo, si loo gaaro miro-dhalka horumarinta arrimaha caafimaadka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiis 14-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo xubno kale oo la socday.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka dhagaystay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland warbixin guud oo ku saabsan howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee Dadwaynaha ku dhaqan deegannada Dowladda Jubaland, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xirirka shaqo labada hay’adood ee Aqalka Sare iyo Golaha Wakiillada Jubaland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha hortebinta leh ee waajib gudashada Golayaasha Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Guddiga Maaliyadda Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan isla xisaabtan ah laΒ qaateen Hantidhowraha Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxayna ka dhagaysteenΒ warbixin ku saabsan arrimaha baarista maaliyadda iyo caqabadaha jira dhanka kale xubnaha labada guddi ayaa su’aalo waydiiyey masuuliyiinta hanti dhowrka oo u horeeyo hantidhowraha guud ee qaranka.
Intaas ka dib guddiga maaliyadda labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa galinkii dambe maanta kulan la qaatayΒ Xisaabiyaha guud ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas iyo xubno kale oo la socday.
Xubnaha guddiyada maaliyadda labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaaΒ Xisaabiyaha guud, waxay ka dhagaysteen warbixinno ku saabsan mashaaricda dalka, halka ay marayaan, caqabadaha haysta iyo waydiimo kale oo ku saabsan doorka shaqadooda eeΒ xafiiskooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gddoomiyaha oo safar caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa garoonka Adan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxwaynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’uusul Wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha oo hadal kooban jeediyay ayaa adkeeyay kaalinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee midnimada iyo wada jiroa Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay leedahay khayraad dihan oo aad u faro badan; si looga faa’iidaystana ay lagama maarmaan tahay in la helo nabad, midnimo iyo isku duubni.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka mahad celiyay soo dhowaynta diiran ee loo sameeya, ayaa xusay in uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dhiilooyinka colaadaha ka dhax aloosan dadka walaalaha ah ee wada dega deegaanno iyo degmooyin ka tirsan dalka, isagoo ugu baaqay midnimo, isku-duubni, wadajir iyo walaaltinimo, isla markaana ay tahay in laga heshiiyo wixii la isku khilaafsan yahay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad oo ajandihiisu ahaa siiwadista doodda wax ka beddelka Xeer-hosaadka Aqalka Sare.
Doodda Sanatarrada ee wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare oo si gaar ah maanta loo dul istaagay qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka ayay ku soo bandhigeen aragtidooda qodobada iyo faqradaha u baahan wax ka beddel iyo toosin, kuwa kalana lala akhriyo Dastuurka KMG ah ee dalka.
Ugu danbayn Guddoomiye Timacadde oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay doodda Sanatarrada ay maalmahihii la soo dhaafay ka yeesheen wax ka beddelka Xee-hoosaadka Aqalka Sare, wuxuuna faray xubnaha guddiga Xeer-hoosaadka in ay soo qaabeen aragdida Sanatarradu ay ka dhiibteen wax ka beddelka Xeer-hoosaadka.