π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 π€ππ’πˆπ—πˆπ˜π€π˜ π‡πˆππƒπˆπ’π„-π’π‡π€π‘π‚πˆπ˜π„π„πƒπŠπ€ π€πŒππˆπ†π€ π’π€π˜ππ€π‘πŠπ€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π„π„πƒ.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 13-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare.

Ugu horreyn Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta seddaxaad marsiiyey, sidoo kalena u codeeyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed, kadib markuu Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaanuu Golaha la wadaagay Warbixinta akhrita labaad ee sharciga, waxaana ogolaatay 27 Sanatar, waxaa ka aamusay 1 sanatar, wax diidayna ma jirin

Sidoo kale, mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedyada Maamulka Danabaysan iyo Kufsiga iyo Anshax-xumada. Intii uu kulanku socday, Waxaa warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan ujeeddooyinka, muhiimadda iyo baahida loo qabo sharciyadaas siiyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Cismaan Naastaro, kuwaas oo mid walba sharaxaad ka bixiyay hindise-sharciga khuseeya wasaaraddiisa.

Intaas kaddib, Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, Sanatar Cabdiweli Ibraahim Xaabsade, ayaa mudanayaasha Aqalka Sare la wadaagay soo-jeedinnada wax-ka-beddelka iyo iswaafajinta Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka cusub, Waxaana Mudanayaasha qaar oo kulanka ka aragti dhiibtay ay soo jeediyeen aragtiyo iyo talooyin ku aaddan qodobada la soo jeediyay in wax laga beddelo. Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa cod loo qaaday qodobadii wax-ka-beddelka ee la soo jeediyay, kuwaas oo ay mudanayaashu cod ku ansixiyeen.

Previous π—πˆπ‹πƒπ‡πˆππ€π€πππ€πƒπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 π€πŠπ‘πˆππ“π€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π€π˜π€ π—πˆπ’π€π€π-π—πˆπ‘πŠπ€ πŒπˆπˆπ’π€π€ππˆπ˜π€πƒ π’π€πππ€πƒπ„π„πƒπŠπ€ πŸπŸŽπŸπŸ“-πŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π—π„π„π‘πŠπ€ ππŽπŽππƒπ€πƒπ€ πŒπˆπˆπ’π€π€ππˆπ˜π€πƒπƒπ€ πŸπŸŽπŸπŸ•-πŠπ€. All posts

Leave Your Comment