Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde,* oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa shir-guddoomiyay kulanka saddexaad ee kalfadhiga 8-aad ee wadajirka labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa:
1. Akhrinta labaad ee xisaab-xirka miisaaniyadda 2025-ka.
2. Akhrinta labaad ee xeerka miisaaniyadda 2027-ka.
Ugu horreyn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Cisaan Awgaab, ayaa labada Gole la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee xeerka miisaaniyadda 2027-ka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay kororka dakhliga gudaha iyo hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Haruun, ayaa soo jeediyay warbixinta akhrinta labaad ee xisaab-xirka miisaaniyadda 2025-ka, isaga oo si qoto dheer u sharaxay arrimaha iyo caqabadaha ku jira xisaab-xirka.
Intaas kaddib, xubnaha labada Gole ayaa suβaalo ka weydiiyay Wasiirka Maaliyadda xeerka miisaaniyadda 2027-ka iyo xisaab-xirka miisaaniyadda 2025-ka, waxaana Wasiirku ka jawaabay suβaalihii iyo qodobbadii ay xildhibaannadu ka soo jeediyeen miisaaniyadda Qaranka.