𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 π†πŽπ‹π„ 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 π€πŠπ‡π‘πˆππ“π€ πŠπŽπŽπ–π€π€πƒ πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π€π˜ π—πˆπ’π€π€π π—πˆπ‘πŠπ€ πŒπˆπˆπ’π€π€ππˆπ˜π€πƒπƒπ€ πŸπŸŽπŸπŸ“.

Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyay kulanka koowaad ee kalfadhiga 8-aad ee kulanka wadajirka ah labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab xirka miisaaniyad sannadeedka dowladda ee 2025-ka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa mudanayaasha labada Gole si faahfaahsan ugu soo bandhigay warbixinta xisaab xirka, isaga oo sharaxaad ka bixiyay hannaanka fulinta miisaaniyadda, kharashaadkii baxay, deeqihii la helay, waxqabadkii iyo horumarradii la gaaray, iyo habraacyadii la xiriiray hanti-dhowrka.

Intaas kaddib, qaar ka mid ah Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Gole ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyay qodobbada kala duwan ee xisaab-xirka miisaaniyadda 2025-ka, gaar ahaan mabaadi’da guud ee maareynta dakhliga iyo kharashaadka dowladda, iyo habraacyada lagu hubinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, iyadoo wasiirkuna uu si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay Mudanayaashu soo jeediyeen ee ku qotomay mabaadi’da guud.

Previous π†π”πƒπƒπŽπŽππŠπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 πŠπ€ 𝐖𝐀𝐃𝐀 π‡π€πƒπ‹π€π˜ 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 π†π„π‹πˆππ“π€ π‡πŽπ–π‹π€π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 π‡πŽπ‘π˜π€π€π‹π€ ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝟏𝟏-𝐀𝐀𝐃. All posts

Leave Your Comment