Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 11-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe, Lr. 130/2012, iyo akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hayβadda Maareynta Deegaanka.
Ugu horreyn, Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe, Lr. 130/2012, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Warbixinta akhrinta koowaad waxaa Sanatarrada u akhriyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, isaga oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda hindise-sharciyeedkan u leeyahay horumarinta iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hayβadda Maareynta Deegaanka. Waxay si faahfaahsan u sharraxday qodobbada uu Guddigu wax-ka-beddelka iyo sixitaanka ku sameeyey intii at ku guda jireen dib-u-eegista iyo qaabeynta hindise-sharciyeedka.
Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa guda galay doodda Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hayβadda Maareynta Deegaanka, iyaga oo soo bandhigay aragtiyahooda iyo talooyinkooda wax-ka-beddellada ay u arkaan in lagu sameeyo qodobbada sharciga, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo ilaalinta danaha guud ee dalka