π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ πŠπ” ππ€π€ππˆπ‹π€π˜ πƒπ€ππ‰πˆπ‘π€π‡π€ 𝐐𝐀𝐃𝐀𝐑 𝐔 π…π€πƒπ‡πˆπ˜π€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallag Bin Saalim Alnuceymi

Guddoomiyaha iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo iyo dardar galinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safiirku wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo korjoogtayn.