Awoodaha Aqalka Sare

Awoodaha iyo Waajibaadka Aqalka Sare:

Dastuurka Soomaaliya wuxuu siiyay Aqalka Sare awood uu ku matalo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo Aqalku curin karo waxna ka badali karo shuruucda dalku leeyahay, sidoo kale in Aqalku hubiyo hindise sharciyeedyada, korjoogtayana Xukuumada iyo saraakiisha kale ee dowladda heer qaran.

Awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare:

Qodobka 71aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:

(a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;

(b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada

82-83;

(c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;

(d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;

(e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;

(f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;

(g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;

(h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;

(i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

(i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;

(ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;

 (iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;

 (iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;

(v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.