Tariikhda & Soyaalka Golaha

Taariikhda Golaha Aqalka Sare

 

Dhismaha Golaha Aqalka Sare waxaa saldhig u ah Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee la ansixiyay 1dii Agoosto 2012.

Dastuurka KMG ah Qodobkiisa 1aad wuxuu qeexayaa in wadanka Soomaaliya uu yahay dal federal ah, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo Gole Aqal Sare oo matalo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo uu Dastuurku qeexay jiritaanka Golaha Aqalka Sare sida ku cad Qodobka 55aad ee Dastuurka KMG ah, suurtagal ma noqonin in la dhiso Aqalka Sare ilaa 28kii Diseembar 2016, markaas oo Xubnaha Golaha Aqalka Sare loo dhaariyay qabashada xilka Senatarnimada.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 54 Xildhibaan(Senetar), sida ku cad Qodobka 72aad ee Dastuurka KMG ah.Sida ku qoran Dastuurka Federaalka ,dowladaha xubnaha ka ah DFS waxaay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubnno tiro isla eg ah….

Senatorada Aqalka Sare waxay matalaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qodobka 61aad Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka KMG ah.Xubin kasta oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka ay xilkeeda gudaneeyso waa inay ku shaqeeysaa sida ay danta qaranka ku jirto.Sidoo kale xubin kasta oo kamid ah Golaha Aqalka Sare xil gaara ah aya ka saran Dowlad Goboleedkii laga soo doortay iyada oo aan loo eegin siyaasad iyo xisbiyo ama kooxo gaar ah.

Sida ku cad muddada xil haaynta Golaha Aqalka Sare waa 4 sano oo ka bilaabaneeyso maalinta natiijada lagu dhawaaqo.

Senatar waliba oo katirsan Golaha Aqalka Sare mar kale waa lasoo dooran karaa.

Saami qaybsiga Xubnaha Aqalka Sare oo ku salaysan matalaadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay noqonaysaa sidaan soo socota;

Gobolada Waqooyi(Somaliland)            11

Puntland                                               11

Galmudug                                              8

Jubaland                                                 8

Koonfur Galbeed                                   8

Hirshabelle                                             8

awoodaha aqalka sare

Dastuurka Soomaaliya wuxuu siiyay Aqalka Sare awood uu ku matalo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo Aqalku curin karo waxna ka badali karo shuruucda dalku leeyahay, sidoo kale in Aqalku hubiyo hindise sharciyeedyada, korjoogtayana Xukuumada iyo saraakiisha kale ee dowladda heer qaran.
Awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare:
Qodobka 71aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
(a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
(b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;
(c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;
(d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;
(e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
(f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
(g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
(h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;
(i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
(i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
(ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
(iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
(iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; (v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024