Oraahda Xoghayaha
Guud ee Golaha
Ku soo dhowow bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Halkan waxaad ka akhriyi kartaa oraahda rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare.
Ku soo dhowow bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Golaha Aqalka Sare waa mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la aasaasay dabayaaqadii sanadkii 2016, iyadoo uu yahay gole muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata matalaadda Dowlad-goboleedyada, ilaalinta nidaamka federaalka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta dalka si waafaqsan qodobbada 93aad iyo 94aad ee Dastuurka Dalka.
Xafiiska Xoghaynta Guud waxaa ka go'an in uu si hufan oo xirfadeysan u taageero shaqada Golaha iyo Senatarada, isla markaana fududeeyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah. Waxaannu xoogga saari doonnaa tayeynta adeegyada Golaha, horumarinta habraacyada shaqo iyo adeegsiga tiknoolajiyadda si loo helo adeeg baarlamaan oo casri ah, hufan oo la jaanqaadaya baahiyaha dalka.
Boggan rasmiga ah waxa kale oo uu shacabka u yahay marin ay kaga heli karaan xogta, wararka, howlaha iyo waxqabadka Golaha Aqalka Sare. Sidoo kale, madasha Ka-qaybgalka Muwaadiniinta waxay fursad u siinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si dhow ula falgalaan Golaha iyo Senatarada, ayna ka qayb qaataan arrimaha khuseeya dowladnimada iyo horumarinta dalka.
Golaha Aqalka Sare wuxuu ku shaqayaa si xushmad, hufnaan, isla-xisaabtan iyo xilkasnimo leh, isagoo mar walba ilaalinaya kalsoonida iyo masuuliyadda ay shacabka Soomaaliyeed u igmadeen. Waxaan aaminsanahay in Baarlamaanku yahay hay'ad u adeegta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana uu leeyahay door muhiim ah oo ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda, sharciga iyo horumarinta dalka.
Waxaan ku dadaali doonnaa in Golaha Aqalka Sare uu noqdo gole wax-ku-ool ah, casri ah, daahfuran oo ku suntan tayo iyo adeeg hufan, si uu si buuxda uga soo dhalaalo waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo masuuliyadda qaran ee saaran
Mahadsanidiin.
Cabdinaasir Guulleed
Taariikh Nololeedka
- Wuxuu haystaa Shahaadada Heerka Master ee Sharciga Caalamiga ah iyo Xuquuqda Aadanaha, Shahaadada Heerka Koowaad ee Maamulka Ganacsiga, iyo Shahaadada Diblooma ah ee Sharciga.
- Wuxuu leeyahay aqoon adag oo tacliimeed oo ay weheliso waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan maamulka, horumarka, iyo iskaashiga caalamiga ah. Waqtigan xaadirka ah, waa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
- Ka hor intaanu xilkan qaban, wuxuu shan sano ahaa Agaasimaha Guddiyada, Golaha, iyo Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu door muhiim ah ka ciyaaray taageerada sharci dejinta iyo isku dubaridka hawlaha maamulka. Sidoo kale, wuxuu hal sano ahaa Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoo ka qayb qaatay qorsheynta istiraatijiyadeed iyo iskaashiga dibadda.
- Intaa waxaa dheer, wuxuu laba sano ku shaqeeyay Sarkaalka Kormeerka, Qiimaynta, iyo Xogta, iyo laba sano oo dheeraad ah sida Sarkaal Mashruuc la socda Hay'adda Cooperazione Internazionale (COOPI). Horeyna, wuxuu seddex sano ka soo qabtay xilka Maareeyaha Mashruuca, halkaas oo uu hoggaaminayay hirgelinta mashruucyada iyo wadashaqeynta daneeyayaasha qaybo kala duwan oo horumarineed. Isku darka aqoontiisa tacliimeed iyo waayo-aragnimada shaqo ee la taaban karo waxay ka dhigtay khabiir khibrad leh oo ku takhasusay maamulka guud, habraacyada sharci dejinta, iyo horumarinta caalamiga ah.