𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐔 𝐀𝐇𝐀𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐀𝐀𝐊𝐈𝐈𝐒𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsi ku saabsan xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Aqoon is-weydaarsigan oo soconayey muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galay Saraakiil, xubno ka socday hay’adaha amniga dalka iyo madax kale oo aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta Miisaaniyadda dowladda, waxaana lagu soo bandhigay falanqayn, doodo iyo isbarbardhig ku saabsan misaaniyadda Hay’adaha amniga ee sanadihii la soo dhaafay iyo sida ay muhiim u tahay hannaanka isla-xisaabtanka, dabagalka, korjoogtaynta iyo hufnaanta xagga shaqada ee hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sanatar Aadan Cabdinaasir oo boogaadiyay soojeedinnada, aragtida iyo fahamka guud ee ay ka qayb galayaashu ka kororsadeen aqoon iswaydaarsiga ayaa hoosta ka xariiqay in ka gudddi ahaan ay sii laba laabi doonaan Aqoon is-weydaarsiyada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado fahamka bulshada ee ku aaddan isla-xisaabtanka iyo tayada arrimaha shaqada Qaranka, isagoo adkeeyey in ay muhiim tahay ficil u beddelidda aqoonta iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay muddadii uu tababarku socday, si diiradda loo saaro xalka caqabadaha ku horgudban daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda gaar ahaan miisaaniyadda hay’adaha difaaca iyo amniga.
Previous GUDDIGA AMNIGA IYO DIFAACA AQALKA SARE OO TABABAR KU SAABSAN FAHAMKA MIISAANIYADDA U QABTAY HAY’ADAHA AMNIGA DALKA.

Leave Your Comment

 

 The Upper House of the Federal Parliament of Somalia represents the Federal Member States and exercises legislative authority, protects the federal system, and oversees government affairs as defined by the Provisional Constitution.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Saturday – Thursday: 8:00 AM – 4:00 PM

© 2026 Federal Parliament of Somalia - The Upper House. All Rights Reserved.