𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐀𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐁𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐇 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀.

Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy, oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayey xubnaha guddigu falaqeyn ka yeesheen sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka hortabinta u leh gudddiga.

Intaas kadib xubnaha guddiga ayaa ku ballamay in ay kulamo kale yeeshaan si ay uga howl galaan howlaha Hindise Sharciyeedka Dhisida Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed kaas oo uu guddigu gacanta ku hayaan.

kulanka ayaa waxaa shir-guddoomisay Guddoomiyaha guddiga Sanatar Maryan Faarax Kaahiye, iyada oo ay wehlinayaan xubnaha guddiga.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐍 𝐋𝐎𝐎 𝐘𝐄𝐄𝐃𝐇𝐎 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐗𝐅𝐒.

Leave Your Comment

 

 The Upper House of the Federal Parliament of Somalia represents the Federal Member States and exercises legislative authority, protects the federal system, and oversees government affairs as defined by the Provisional Constitution.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Saturday – Thursday: 8:00 AM – 4:00 PM

© 2026 Federal Parliament of Somalia - The Upper House. All Rights Reserved.