𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐈𝐒𝐋-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖. 𝐓𝐀𝐌𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐁𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀.

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ka saaran korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha Dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraada Biyaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Bidhaan.

Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isla xisaabtan ku qotoma howlaha Wasaaradda, ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday wax laga waydiiyay, qorshe howleedka Wasaaradda, xiriirka kala dhexeeya Dowlad Goboleedyad, Mashaariicda ay gacanta ku hayaan iyo sida loo maamulo, caqabadaha ka jira qiimaha Korontada iyo halka uu marayo dhaqan gelinta sharciga Korontada, arrimaha Biyaha dalka iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Wasiir ku xigeenka, ayaa masuuliyinta Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare, waxay faahfaahin dhamaystiran ka siiyeen dhammaan su’aalihii ay ka qabeen howl-qabadka Wasaaradda iyo dhammaan su’aalihii kale.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa Wasiirka, Wasiir ku xigeenka Marwo Suhuur Xaaj iyo xubnaha kale ee la socday uga mahad celisay sida ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isla qaatay hirgelinta waxyaabihii kulanka ka soo baxay, lana dardar geliyo dhaqan gelinta sharciyada Wassaradda loo ansixiyay iyo howlaha kale ee ay shacabka u hayso.

Previous 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊𝐀𝐂𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐂𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀’𝐘𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024