𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐓𝐈𝐌𝐀𝐂𝐀𝐃𝐃𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐈𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐊𝐈𝐈𝐋𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐖𝐀𝐐𝐎𝐎𝐘𝐈 𝐁𝐀𝐑𝐈.

Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-xasan iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiye Timacadde, ayaa ka dhagaystay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Waqooyi Bari warbixin guud oo ku saabsan howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqoyi Bari, xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee shacabka ku dhaqan deegannada Dowlad Goboleedka, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xirirka shaqo labada hay’adood ee Aqalka Sare iyo Golaha Wakiillada Waqooyi Bari iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha hortebinta leh ee waajib gudashada Golayaasha Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

   

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐈𝐒𝐋-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖. 𝐓𝐀𝐌𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐁𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024