𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐃𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃𝐈’𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐄𝐄𝐆𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐊𝐌𝐆 𝐀𝐇.

Muqdisho, Febraayo 12, 2024: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ayaa ka qayb galay kulanka 11-aad ee labada gole Baarlamaanka JFS.

Kalfadhiga afaraad kulanka 11-aad ee labada aqal ayaa maanta ajandihiisu ahaa dib u eegista dastuurka:
(B) Qaybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga.
(T) Qaybinta shintiriska jadwalka dooda.
(J) Warbixinta guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada aqalka ee Baarlamaanka JFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka doodaha, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.
Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS Xildhibaan Xuseen Iidow iyo xoghaya Guddiga Dastuurka Sanatar Siciid Cabdi Xusee {Cawke} ayaa Xildhibaannada iyo Sanatarrada uga jawaabay su’aalihii ku saabsanaa mabaadi’da guud, iyagoo si faahfaahsan ugu bayaaniyay nuqulada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah.