𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐈𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐆𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi cali Xersi Timacade, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ka koobnaa labo sharci ayaa kala ahaa.

1- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka

2- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeed dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Axmednur Sheekh Maxamed ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay sharciyada Kaalmo sharciyeedka Federaalka iyo sharciga dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay maanta golaha ka hor akhriyeen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane CabdiXaashi Cabdillaahi ayaa gunaanadkii kulanka sheegay in Guddiyada ku shaqada leh lagu eareejin doonno labada Hindise Sharciyeedyada maanta la akhriyay.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐁𝐀𝐀𝐋𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐈𝐈 𝐔𝐆𝐔 𝐈𝐌𝐀𝐀𝐍𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐊𝐇𝐓𝐈 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐀𝐃𝐍𝐀𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟓-𝐀𝐀𝐃

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024