𝐆𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐆𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐀 𝐗𝐎𝐆-𝐖𝐀𝐑𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐆𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐒𝐁𝐄𝐃𝐒𝐄𝐋𝐊𝐀 𝐂𝐈𝐌𝐈𝐋𝐀𝐃𝐀.

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi iyo masuuliyiin kale oo la socday.
Xubnaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo isbaddalka Cimillada, waxaa la isku dhaafsaday waydiin odhaaheedyo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, iyadoo xubnaha guddigu ay si gaar ah wax uga waydiiyeen Wasiirka dhinacyada jarista dhirta, qorshaha yaraynta qaaca, dhibaatada shucaaca anteenooyinka, jarista dhirta, qorshaha yaraynta qaaca, dhibaatada shucaaca anteenooyinka, xirirka dowlad goboleedyada iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay Wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu jawaabay dhammaan waydiin odhaaheedyadii.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciilr oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Massuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada uga mahad celiyay sida faahfaahsan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, ugu danbaynna la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee loo hayo dadka iyo dalka Soomaaliya.