Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 9-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Kulanka maanta ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xubin ka mid noqonaysa guddiga dib u eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka iyo sii wadista ka doodista wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha, ayaa ugu horrayn codayn wadar oggol loogu codeeyay Sanatar Cabdirisaaq Maxamed Cismaan in uu ka mid noqdo Xubnaha Aqalka Sare BJFS ee Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka JFS (OC), kaddib markii xubintii hore uu iska casishay xilkaas.