Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsi ku saabsan xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Aqoon is-weydaarsigan oo soconayey muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galay Saraakiil, xubno ka socday hay’adaha amniga dalka iyo madax kale oo aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta Miisaaniyadda dowladda, waxaana lagu soo bandhigay falanqayn, doodo iyo isbarbardhig ku saabsan misaaniyadda Hay’adaha amniga ee sanadihii la soo dhaafay iyo sida ay muhiim u tahay hannaanka isla-xisaabtanka, dabagalka, korjoogtaynta iyo hufnaanta xagga shaqada ee hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.