𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐃𝐔𝐋𝐀𝐌𝐀𝐑 𝐈𝐘𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐆𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀.

Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga Todobaa, ayaa dulmar iyo akhrin guud ku sameeyay hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga, kaas oo ay guddigu gacanta ku hayaan.

kulanka oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sanatar Cabdiwali Ibraahim Aadan (Garyare) ayaa sidoo kale sharciyaqannada Golaha looga dhagaysta talooyin sharci oo ku aaddan hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed.
Previous MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA TODOBAAD LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JFS.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024