𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐄𝐄𝐋-𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐇𝐀𝐃𝐈𝐆𝐀 𝟕-𝐀𝐀𝐃.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada Guddiyada Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa ugu horrayn xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, waxa uu xubnaha Guddiga joogtada u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada Golaha iyo kuwa guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen, si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaas kadib, Xubnaha Guddiga joogtada oo dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay ajandaha kulanka, ayaa sidoo kale soo jeediyay fikrado iyo talooyin ku saabsan hannaanka waajib gudshada guddiyada Aqalka Sare iyo habka jadwalaynta shuruucda Golaha horyaalla iyo sida la isku-aacsiinayo kuwa hortebinta u leh Qaranka. Waxayna meelmariyeen oo ay iskuna raaceen Ajdendayaasha kalfadhiga todobaad ee Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare uga mahadceliyay diyaar garoowgooda ku aaddan arrimaha islaxisaabtanka, korjoogtaynta iyo doodihii kale oo miro-dhalka ahaa ee ay soo jeediyeen, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay Qaranka Soomaaliyeed u haayaan.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐑𝐔𝐁 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024