𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘

ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa dardar gelinta howla shaqo ee golaha Aqalka Sare, iyadoo guddoomiye Cali Shacbaan uu ku booriyay guddiyada Aqalka Sare in ay labo jibbaaraan waajib gudashadooda ku aaddan isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’addaha dowlada, si looga mira-dhaliyo shaqooyinka Qaranka hortabinta u leh.