Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ka saaran korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha Dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraada Biyaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Bidhaan.
Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isla xisaabtan ku qotoma howlaha Wasaaradda, ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday wax laga waydiiyay, qorshe howleedka Wasaaradda, xiriirka kala dhexeeya Dowlad Goboleedyad, Mashaariicda ay gacanta ku hayaan iyo sida loo maamulo, caqabadaha ka jira qiimaha Korontada iyo halka uu marayo dhaqan gelinta sharciga Korontada, arrimaha Biyaha dalka iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa Wasiirka, Wasiir ku xigeenka Marwo Suhuur Xaaj iyo xubnaha kale ee la socday uga mahad celisay sida ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isla qaatay hirgelinta waxyaabihii kulanka ka soo baxay, lana dardar geliyo dhaqan gelinta sharciyada Wassaradda loo ansixiyay iyo howlaha kale ee ay shacabka u hayso.