𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐗𝐅𝐒.

 

Guddiyada Maaliyadda labada Gole ee Baarlamaanka JFS, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay yeesheen ayaa ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS

Kulanka oo ay wadajir shir guddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibrahim Awgaab iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Xildh. Maxamed Farax Nuux, ayaa Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee la socday ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha wasaaradda gaar ahaan arrimaha mashaariicda caafimaafka, sida loo fuliyo, daah-furnaanta hannaannka loo maamulo iyo miro-dhalka mashaariicdaas.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Mudane Dr Cali Xaaji ayaa mid mid uga Jawaabay su’aalihii xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada aqal, iyadoo Wasiirka lagu booriyay in uu dardar gelinto mashaariicda caafimaadka, si daahfurna oo loo siman yahayna loo maamulo, si loo gaaro miro-dhalka horumarinta arrimaha caafimaadka.