𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐉𝐔𝐁𝐀𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐖𝐈𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍𝐍𝐀 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka dhagaystay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland warbixin guud oo ku saabsan howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee Dadwaynaha ku dhaqan deegannada Dowladda Jubaland, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xirirka shaqo labada hay’adood ee Aqalka Sare iyo Golaha Wakiillada Jubaland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha hortebinta leh ee waajib gudashada Golayaasha Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.