Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha Baarlamaanka labadiisa aqal iyo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.