𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐊𝐔 𝐓𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐅𝐀𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐈𝐓𝐄𝐄𝐘 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐍𝐔𝐔𝐑 (𝐌𝐀𝐍𝐎𝐎𝐆𝐓𝐎)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed geeridii xanuunka badnayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in Marxuumaddu ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka (Falkaloorka) dadkeeda u soo adeegatey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado, door lama illaawaan ah ka soo qaadatay nabadda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumaddu waxay kaalin lama illaawaan ah ku lahayd in magaca iyo fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeedna laga daawado isla markaana laga xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.