𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐊𝐔 𝐓𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐅𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐃𝐈𝐈𝐉𝐎 𝐐𝐀𝐋𝐀𝐍𝐉𝐎.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinka geeridii ku timid Alle ha u naxariistee, Khadiijo Maxamuud Yuusuf (khadiijo Qalanjo) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Boorama..

 

“Alle ha u naxariistee Khadiijo Qalanjo, waxa ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah filimada Hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta, nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado iyo in fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, lagana xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba”

 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Khadiijo Qalanjo ay ka mid ahayd haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixisay wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, iyadoo waqtigeedii iyo hibadeedii faneed u hurtay sidii uu dadkeennu xagga fanka uga muuqan lahaa masraxyada caalamka, wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐔 𝐀𝐇𝐀𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐀𝐀𝐊𝐈𝐈𝐒𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024