Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan ibraahin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Guddoomiye Shacbaan iyo Jemes Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka, qorshayaasha Golaha iyo xaaladd guud ee dalka.