𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐁𝐀𝐀𝐋𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐈𝐈 𝐔𝐆𝐔 𝐈𝐌𝐀𝐀𝐍𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐊𝐇𝐓𝐈 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐀𝐃𝐍𝐀𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟓-𝐀𝐀𝐃

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan ku xigeennadiisa ayaa maanta soo agaasimay munaasabad lagu abaal marinayey Sanatarrada iyo guddi-hoosaadyada Golaha ee muujiyey howlkarnimada dheeraadka ah, inta lagu guda jiray kalfadhigii 5-aad ee Baarlamaanka 11-aad.

Munaasabadda abaalmarinta oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha Sanatarrada Golaha, ayaa si gaar waxaa loogu abaalmariyay Sanatarradii ugu imaanshaha iyo wakhti ilaalinta badnaa Kalfadhiga 5aad, waxaana abaalmarinta koowaad ee Sanatarrada ugu imaashaha badnaa kalfadhiga shanaad la siiyay saddex Sanatar oo kala ah Sanatar Samsam, Sanatar Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo Sanatar Deeqa Xasan Xuseen.

Abaalmarinta labaad: qiimaynta Guddiyada Golaha ee ugu shaqada badnaa Kalfadhiga 5-aad, waxaana la guddoonsiiyey, Guddiga Guddiga Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha, iyo Guddiga Arrimaha Bulshada, waxaa sidoo kale Guddiga Haweenka la guddoonsiiyay billad sharaf gaar ah oo ku saabsanayd u qareemidda arrimaha Haweenka iyo qalabaynta xafiisyada ay ku howl galaan.

Ugu dambayn gunaanadka Munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mid mid billadaha iyo shahaado sharafta u guddoonsiiyay Sanatarrada iyo xubnaha Guddiyadii ugu shaqada badnaa kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare, ayaa ku bogaadiyay waajib gudashadooda shaqada ay Qaranka u hayaan, wuxuuna dhinaca kale ku booriyay xubnaha kale ee Sanatarrada in ay shaqadooda ku bixiyaan dadaal iyo waqti dheeraad ah oo ku saabsan howlaha isla-xisaabtanka iyo korjoogtaynta ee hay’adaha Dowladda.

Previous 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐇 𝐎𝐎 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐈𝐗𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024